WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Dowladda Federaalka ah oo ‘diiday’ baaqyadii Beesha Caalamka.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku adkeysay go’aankii muddo kordhinta he’ydaha dowladda, iyadoo ku gacanseyrtay baaqyo uga yimid beesha caalamka iyo saamileysa siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ugu yeeray inay dib ugu noqdaan miiska wadahadallada xal u helista is-mariwaaga siyaasadda.

Qoraalkan oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo u muuqday inuu jawaab u yahay baaqyada is xiriirka ah ee maalmihii ugu dambeeyay ka soo baxayay Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka xuntahay in saaxiibada caalamku ay ka horymaadeen waxa ay ugu yeertay “sharci ay soo saareen hey’adaha dowladda oo lagu ilaalinayo xuquuqda dimoqraadiga ah ee shacabku ku dooranayaan hoggaankooda”.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale eedeeyn loogu soo jeediyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo ka mid ah todobadii saxiixe ee heshiiskii 17-kii Septemer.

“Hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo uu saarnaa cadaadis shisheeyaha uga imaanaayay ayaa isku dayay inay hakiyaan oo ay afduubtaan wadahadalka, iyagoo keenayay dalabaadyo aan dhammaad laheyn, kuna baaqaay in la bur-buriyo hey’adaha dowliga ah” ayaa lagu yiri warsaxafadeedkaas.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in sharciga doorashooyinka oo uu Talaadadii saxiixay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llahi Farmaajo inuu fursad siinayo soo jeedintii Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo hore u sheeegay in muddo 13-bilood gudahood ah ay ku qaban karaan doorasho qof iyo cod ah.

Sharcigan muddo kordhinta hey’adaha dowladda oo Baarlamanku ugu yeeray “Jiheynta doorashooyinka heer Federal” ayaa meesha ka saaraya dhammaan heshiisyadii hore sida kii 17-kii September, waxaana ka soo horjeestay midowga musharaxiinta, mucaaradka, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, iyo guddoonka Aqalka Sare, iyagoo ku tilmaamay in muddo kororsigaas uu yahay mid sharci darro ah.

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

14 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

17 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

19 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

20 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago