GUDAHA/wararka

Dowladaha Soomaaliya iyo Asarbajaan oo kala saxiixday heshiis dhinaca waxbarashada ah

Madaxweynaha Asarbajaan Ilham Aliyev ayaa saxiixay wareegto lagu ansixiyay heshiis Iskaashi oo dhinaca Waxbarashada ah  oo u dhexeeya Wasaaradda Sayniska iyo Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Asarbayjaan iyo Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa ku wargelin doonta dowladda Soomaaliya, marka la dhammeeyo dhammaan habraacyada gudaha ee looga baahan yahay dhaqan galka heshiiska.

Sidoo kale, Heshiiska ayaa ahaa mid ka mid ah dukumeentiyo dhowr ah oo muhiim ah oo lagu kala saxiixday xaflad rasmi ah oo ay ka soo qeyb galeen madaxweynayaasha Aliyev iyo Xasan Sheekh Mohamud oo ka dhacay caasimadda Asarbayjaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Asarbayjaan Jeyhun Bayramov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa isweydaarsaday heshiiska iskaashiga waxbarashada ee la saxiixay ee uu hadda ansixiyay Madaxweyne Aliyev.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Baku Feb 12, 2025, xilligaasoo uu booqasho rasmi ah ku joogay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

10 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

13 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

16 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

16 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

17 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

17 hours ago