Warbixin uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Beni’aadannimada ee loo yaqaan OCHA ayaa lagu sheegay in dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Maamul Gobaleedka Puntland, iyo qaar ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha dhexe ay ku barakaceen boqal kun oo qof.
Warbixinta ay soo saartay OCHA ayaa lagu sheegay dagaallada ka socda Waqooyi Bari ee Soomaaliya iyo Bartamaha dalka in ay ku barakaceen in ka badan 110,000 kuwaas oo ku qasbanaaday in ay ka barakacaan guryahooda.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in bilihii u dambeeyey ay deegaano kale oo ka mid ah dalka ay ka barakaceen tobanaan ku oo qof, kuwaas oo sababay dagaal beeleedyo soo laalaatay oo ka dhacay deegaannada ay ku nool yihiin.
Warbixintaan ayaa ku soo beegmaysa xilli qaar ka mid ah gobollada dalka uu ka socda dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, dowladda Soomaaliya ayaa iska caabin xooggan samaysay ka dib dagaalo ay soo qaatay kooxda Al-Shabaab dhammaadka bishii Febraayo illaa bartamaha bishii March ee sanadkaan.
Maamulka Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay gobolka Bari ka waday howgallo ka dhan ah Daacish, kaas oo suuragaliyey in ciidamada maamulkaas ay gacanta ku dhigeen deegaanno dhowr ah oo gacantooda ka maqnaa.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…