Dowlad-goboleedyada oo eedeeyey Wasaaradda Dastuurka ee dowladda dhexe

Sida lagu xusay war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii Kismaayo oo 4-8-Sep-2018 uga socday magaaladaas madaxda dowlad-goboleedyada wasaaradda dastuurku DFS waxa ay ka weecisay guddiyada dastuurka shaqadoodii loo igmaday, iyada oo si aan xeerka iyo dastuurka waafaqsanay u maareysay arrimaha dastuurka.

War-murtiyeedka ayaa lagu xusay in tallaabadaasi ay saameyn aan wanaagsanayn ay ku yeelan doonto ogolaanshaha xeerarka iyo sharciyada soo baxa kahor inta aan go’aan kama dambeys ah laga gaarin.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil  ayaa dhowaan guddiyada dastuurku waxa ay ku eedeeyaan in uu si keligi-talisnimo ah u maamulayo howsha dastuurka oo kala dhexeysa guddiyada labada aqal u qabailsan dib u eegidda dastuurka.

Wasaaradda Dastuurku waxa ay kamid tahay wasaaradaha duruuftu keentay ee aan kamidka ahayn wasaaradaha dowladda, waxaana ay ku egtahay jiritaan ahaan inta howsha dastuurka ka soo afjarmeyso ayna dhismayaan guddiyada iyo  maxkamadda dastuurigu

General Editor

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

2 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

2 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

3 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

5 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

6 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

22 hours ago