Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Bangladesh ayaa maanta ku dhacday gudaha xarunta dugsiga sare ee Milestone School and College oo ku yaalla xaafadda Uttara ee magaalada Dhaka.
Shilkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 19 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday mid ka mid ah dhismayaasha dugsiga, xilli ay arday iyo macallimiin ku jireen casharro.
Qarax xooggan iyo dab ka dhashay shilkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo halis ah oo loola cararay xarumaha caafimaadka.
Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ka badan 50 qof la dhigay isbitaalada magaalada, halka qaar kalena ay soo gaareen dhaawacyo gubasho ah.
Diyaaradda, oo nooca tababarka ah ee F-7 BGI ahayd, ayaa ka kacday saldhig ciidan dhowr daqiiqo kahor shilka, waxaana la rumeysan yahay in cilad farsamo ay sababtay in ay ka weecato jihadeeda islamarkaana ku dhacdo dhismaha iskuulka.
Dowladda Bangladesh ayaa ballan qaaday in ay baareyso dhacdadan, iyadoo madaxweynaha ku meel gaarka ah, Muhammad Yunus, uu tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…