GUDAHA/wararka

Dibadbax ka dhan ah duullaanka cusub ee Netanyahu la damacsan yahay Gaza oo ka dhacay Tel Aviv

Magaalada Tel Aviv oo xarun u ah Israa’iil waxaa ka dhacay dibadbax ka dhan ah go’aanka Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku doonayo in uu ku xoojiyo dagaalka Gaza iyada oo xaalad macluul ah oo uu sabab u yahay ka jirto.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Netanyahu maadaama ay ku doodeen in aanay dooneyn in dhiigbax cusub oo dhankooda kasoo gaaro dagaalkaas isla markaana la waayo nolosha dadka laga heysto.

Dareen ay u muujinayeen Shacabka falastiin awgii uma aysan sameyn Dadkaas dibadbaxa balse waxa ay ka digayeen dhiigbax cusub oo ku billowda, waxa ay soo jeediyeen in la xoojiyo wadahadal iyo in laga shaqeeyo qorshaha lagu deynayo Maxaabiista laga heysto.

In ka badan 600 oo sarkaal oo dhammaantood khibrad ku filan ka heysta dagaalka ku dhow labada sanno ayaa dhowaan warqad furan u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyaga oo u sheegay in uusan dhiirragelin duullaanka Gaza.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

2 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

4 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

4 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

6 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

6 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

20 hours ago