Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa boqolaal shacab ah maanta kula hadlay isgoyska Zoobe, sanad kadib markii qarax xoogan lagu dilay inkabadan 500 Qof oo shacab ahaa.
Isgoyska Zoobe, waxaa maanta buux dhaafiyay shacab ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo u soo baxay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xuska loo sameynayay dadka la dilay.
Dadkii goobta ku sugnaa, ayaa u duceeyay Marxuumiinta, waxeyna dowladda ka dalbadeen iney kaalin ka qaadato sugida amniga Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Khayre oo uu dhinac taagnaa Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan, ayaa sheegay in dowladdiisa ay dagaal adag la galayso dagaalamyaasha Shabaab oo uu ku eedeeyay iney qaraxaasi ka danbeeyeen, Shabaab iyagu wali ma sheegin Masuuliyada Qaraxa.
Khayre, waxa uu sheegay in Wasaarada Waxbarashada Somaliya looga baahanyahay iney waxbarasho bilaash ah siiso Caruurta dadkii lagu xasuuqay qarixii Zoobe, waxa uu dhinaca kale amray Guddigii tirakoobka dadka waxyeelada gaartay in liiska ay hayaan ku wareejiyaan Wasaarada Waxbarashada:
Halkan Ka Dhageyso Codka RW Khayre:
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…