GUDAHA/wararka

DFS oo Beesha Caalamka hordhigtay 5 qodob oo ay xoogga saartay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka & Wakiilada Beesha Caalamka waxaana kor joogto ku ahaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Muqdisho soo gaaray 11kii April 2023.

Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay guulaha muhiimka ah ee ay ka gaartay dhinaca Amniga gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee  ka socda Gobollada Dalka, doorka beesha Caalamka uga bannaan & qorshaha wajiga labaad ee howlgalkaas.

Dhinaca deyn cafinta waa tiir kale oo udub dhexaad u ah qorshaha Dowladda Federaalka iyada oo ay mareyso hannaan ay soo diyaariyeen Bangiga Adduunka & Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF loosoo gaabiyo si shuruudaha la hordhigay Soomaaliya loogu qiimeeyo sida ay uga soo baxdo.

Xoojinta Dowladnimada, waa qodob kale oo muujinaya sida ay isugu xiran yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada hoostaga iyada oo laga tusaale qaadanayo shirarkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Madaxda labada heer ee lagu gorfeeyay qodobada kala duwan.

Kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha waa meelaha ugu muhiimsan ee laga eegayo Dowladda Federaalka mar haddii laga dhaafayo ama loo cafinayo deynta ku waqti dheeraatay ee bixinteedaku adkaatay.

Soomaaliya oo aanay heli doonin haddii deynta laga cafiyo lacag amaah toos ah waxa ay fursad u heli doontaa maalgashi ay kasoo saareyso dhaqaalaha ay rabto, si loo mariyo tijaabadaas waxa ay DFS Sameysay qorshe ay ku xoojineyso kaabayaasha dhaqaalaha.

Qodobka kale ee Dowladda Federaala la shirtagtay waa Waxbarashada, arrintaan waxa ay muhiim u tahay heerka aqooneed ee Bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Xukuumadda in ay xoogga saarto dhinaca Waxbarashada.

Si loo xoojiyo Waxbarashada Dalka waxa ay Wasaaradda Waxbarashada XFS ay dhawaan qaadday Imtixaan  ay uga dhex xulaneyso Macalimiin laf-dhabar u noqda in dib loo aasaaso dugsiyada Dowladda hoostaga si ay uga faaiideystaan Dad badan oo aan awoodin in ay iska bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya Waxbarashadooda.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan oo Isbitaal la dhigayo

Maxkamadda Sare ee dalka Pakistan ayaa maanta soo saartay amar la xiriira in raysal wasaarihii…

2 hours ago

MW Xasan Sheekh oo soo gaba gabeeyay Safar dhulka ah oo uu ku maray Degmooyinka Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u soo safray magaalada Muqdisho, ka dib safar…

2 hours ago

Afar dal oo Safiiro cusub u soo magacaabay Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali ayaa maanta…

2 hours ago

Wasiir Fiqi oo kormeeray Saldhiga Ciidamada Danab ee magaalada Gaalkacyo

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ku dadaaleyso sidii ay isugu…

5 hours ago

Ciidanka AUSSOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Baladweyne

Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…

7 hours ago

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in loo sameeyo adeeg Caafimaad

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…

7 hours ago