Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daahfuray kalfadhiga 58aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas, waxa uu u jeediyay khudbad uu uga hadlay Amniga, Siyaasadda, Tababarka ciidamada, Doorashooyinka iyo qodobo kale.
Waxa uu soo hadal qaaday khayraatka Dabiiciga ah ee Dowlad-Goboleedka Puntland ku jira, Deni ayaa tilmaamay in si ka madaxbannaan Dowladda Dhexe ee Federaalka ay ka faa’iidaysan doonnaan sida uu hadalka u dhigay.
“Puntland waxa ay xaq u leedahay in ay si madaxbannaan uga faa’iidaysato khayraatkeeda haddii ay tahay Ganacsato Soomaaliyeed, kuwa Ajanabi ah & Dowlado” Waxaa sidaasi yiri Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Dagaallada ka socda dhulka buuralayda iyo gaabista soo galay ayuu soo hadal qaaday, waxa uu Dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay kasoo xirtay albaabada saaxiibada Caalamiga ah ee howlgalka qaybta kala ahaa iyo qaadista askarta dhaawaca soo gaaro.
“Dowladda Federaalka waxa ay naga hor istaagtay Diyaaradaha lagu qaadayay Askarta dhaawaca ah & Kaalmadii Militari ee Caalamiga ahayd” Sidaasi waxaa yiri Hoggaamiyaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni
Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland oo rabtay in ay Su’aalo weydiiyaan Hoggaamiye Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laga hor istaagay waxaana kaddib xarunta Baarlamaanka isaga baxay Deni iyo ilaaladiisa.
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…