Magaalada Garoowe waxaa kulamo gaar gaar ah uga socdaa xubno kala duwan oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ay kala hoggaaminayaan Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Ujeedka kulamada ayaa ah in ay ka arrinsadaan cadaadista Beesha Caalamka ee la xiriira aqbalidda qodobadii heshiiska ahaa ee Magaalada Dhuusamareeb ku kala saxiixdeen Madaxweynaha DFS, Madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Deni iyo Madoobe labaduba qayb kama ahayn shirkaas, waana ay diideen in ay taageeraan 17-ka qodob ay madaxdaan kasoo saareen Shirkii Dhuusamareeb (3) ee lagu qabtay Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Ilo xog ogaal ah ayaa Mustaqbal u sheegay in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay doonayaan in ay Beesha Caalamka u gudbiyaan wax ka badalka afar oo kamid ah 17-ka qodob ee la saxiixay.
Qodobadaas waxaa kamid ah:
In aysan is qabaneen doorasho Xisbiyo balse loosoo dooranayo qaab dadban, arrintaaina loo baahan yahay in si kale oo ka fudud laga dhigo, in xitaa loo badalo mid ergo oo lagu soo dooranayo qaabka dowladda waqtigeedu sii dhammaanyo lagu soo doortay oo kale.
In la kala diro Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka oo la shaaciyay in looga dambeynayo arrimaha Doorashada, maadaama ay ku eedeynayaan in ay ku guuldareysteen labo jeer qabashada doorasho qof iyo cod ah.
In la yareeyo Ergada wax dooraneysa oo laga dhigo 101-qof, dadkaas xulistooda looga dambeeyo Odoyaasha Beelaha oo aqoon u leh hab qaybsiga Xildhibaannada Beelaha ay kasoo jeedaan.
Qodobka ugu dambeeyo ayaa ah in laga talo geliyo qaabka doorashada loogu qaban karo xarumaha Dowlad Goboleedyada, isla markaana looga dambeeyo, wixii talo ah oo kaliya lagu biiriyo.
Beesha Caalamka ayaa dooneysa in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay aqbalaan heshiiskaan bilaa shuruud, maadaama markii laga doodayay ay u maqnaayeen si iskood ah, waana ay diidan yihiin Deni iyo Madoobe sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo wareedyo.
Mustaqbal
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…
Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…
War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…