GUDAHA/wararka

Booliiska Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Muqdisho.

Booliiska gaarka u tababaran ee Haram-cad ayaa xalay howlgalo baaris ah ka sameeyay Degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir, waxa ay soo qabteen shaqsiyaad ay tuhmayaan oo qaarkood geeyeen xarumahooda baarista.

Dadka Degmada ayaa Mustaqbal u sheegay in howlgalka uu socday Muddo saacado ah, waxaana askarta ay tageen xaafadaha Degmadaas, iyaga oo goob isugu geeyay dhalinyaro oo markii dambe hubin ay mariyeen intooda badan kusii daayay.

Ciidamadu waxa ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee Degmada Hiliwaa, gaar ahaan jidadka u dhaw Xaafadaha ay baarista ka wadeen sida Mustaqbal ay u sheegeen ilo xog ogaal ah oo uga warbixiyay howlgalkaas.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay 19-kii bishaan Agoosto 2020-ka in ay bilaabayaan howlgalo lagu baarayo degmooyinka Caasimadda, Gaadiidka iyo dadka saaran si loo adkeeyo nabadgalyada.

Kulankaas waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiinta Gobolka iyo saraakiisha ciidamada si loo xasiliyo ammaanka Caasimadda oo dilalka, qaraxyada iyo weeraraka dib ugu soo laabteen.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa kordhiyay baraha hubinta Gaadiidka waddooyinka Magaalada Muqdisho oo markii hore ay ka joogeen Isgoysyada, balse haatan waxa ay goobo cusub ka dhex sameysteen inta u dhaxeysa isgoysada waaweyn.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

36 mins ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

4 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

5 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

6 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

7 hours ago

Maxay tahay fariinta Puntland ay u dirtay Galmudug?

War kasoo baxay Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa Galmudug loogu baaqay in ay ka waantowdo in saanad…

8 hours ago