GUDAHA/wararka

Danjire Suleiman Dedefo “Ciidanka Itoobiya qayb kama ahayn dagaalkii ka dhacay Gobolka Gedo”

Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo Woshe ayaa beeniyay in ciidamada dalkiisa ay qayb ka noqdeen dagaalladii ugu dambeeyay ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Jubbaland.

Suleiman Dedefo ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay meel u dhow xero ay ciidanka Itoobiya ay degen yihiin, waxa uu intaas ku daray in dadka qaar ay marin habaabinayaan xaqiiqada si ay u abuuraan rabshado ka dhex dhaca Soomaaliya iyo Itoobiya sida uu hadalka u dhigay.

Safiirka ayaa sheegay in labada Dowladood waa Soomaaliya iyo Itoobiya horay uga wada hadleen sidii loo baari lahaa, waxa uu tilmaamay in dowladdiisa ay magacaabi doonno koox farsamo oo baarta sida ay arrintaas u dhacday sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka waxa uu ka dhacay meel u dhow xero ciidanka Itoobiya degen yihiin, waxa aan xaqiijinayaa in aanay ciidamada Itoobiya qayb ka ahayn, Itoobiya weligeed ma samayn in ay caawiso dhinac kamid ah walaalaha dagaalamaya, khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleed, Cabasho waxa ay ahayd in ciidanka Itoobiya weerareen NISA Balse arrintu sidaas ma ahayn oo waxaa dhacay in ciidankeedu gargaar siiyeen askar dhaawac ah kaddibna dib u celiyaan” Ayuu yiri Danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya Suleiman Dedefo.

Hadalkaan waxa uu Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu ku sheegay Wareysi uu siiyay Teleefishinka Universal, waxaana uu dhanka kale weeraray siyaasadda ciidanka Masaarida ee kusoo biiray howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

13 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

18 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

20 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

20 hours ago