GUDAHA/wararka

Dalalka Yurub oo aqbalay in Iiraan ay lacag ka qaadato Maraakiibta maraysa Marinka Hormuz

Dalalka Yurub ayaa la xaqiijiyay in ay aqbaleen qorshe dhaqaale badan ay ku helayso Iiraan kaas oo la xiriira inay lacago ka qaadi doonto Maraakiibta Maraysa Marinka Hormuz sida uu ku warramay Wargayska lagu magacaabo Bloomberg

Yurub oo dhibbane u noqday xaaladaha adag ee isu gudubka Shidaalka ayaa go’aansaday in ay khidbad ay bixiyaan si maraakiibtooda uga soo gudbaan Marinka Hormuz iyada oo tallaabadaan ay ka caraysiin doonto Maraykanka iyo Israa’iil.

Sidoo kale waxa ay doonayaan in Ruushka oo loo arko in uu saaxiib dhow la yahay Iiraan kana mid ah Dalalka Yurub qudhiisa lagu soo rogo lacagaha laga qaadayo Maraakiibta Maraysa Marinka Hormuz sida hadalka loo dhigay.

Sarkaal xogtiisa la qariyay oo la hadlay Bloomberg waxa uu sheegay in tallaabadaan lacag bixinta ay saamayn doonno Dalalka Shiinaha iyo Ruushka oo saaxiib la ah Iiraan, ma faahfaahin qaabka dalalkaas looga qaadayo lacagaha.

Iiraan oo ogaatay awoodda Militari ay ku leedahay Marinka Hormuz ayaa qaadday tallaabooyin ay ku joojinayso Maraakiibta Shidaalka, waxa ay soo rogtay amar ah in lagu soo wargeliyo kahor inta aysan soo dhaqaaqin haddii kale ay beegsan doonto.

Maraykanka iyo Israa’iil oo weeraray Iiraan ayaa loo arkaa inay fursad muhiim ah oo ay kasii jeedday Tehran ay u abuureen maadaama hadda ay dhaqaale ka samayneyso maraakiibta biyahaas marta iyo iyada oo laga qaaday xayiraadda dhinaca dhaqaalaha ah oo saarneed.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

2 hours ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

9 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

10 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago