GUDAHA/wararka

Baydhabo oo martigelinaysa madax ka qaybgalaya caleemosaarka Hoggaamiye Aadan Madoobe & Amniga oo la adkeeyay

Magaalada Baydhabo waxaa ka socota qabanqaabada munaasabadda lagu caleemosaarayo Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyada oo sare loo qaaday Nabadgalyada xarunta Gobolka Baay.

Munaasabadda Caleemosaarka oo lagu wado in ay qabsoonto 6da July oo ah Isniinta maalin kaddib waxaa lagu casuumay madax isugu jirta heer federaal, Dowlad-Goboleed & Wakiillada kala duwan ee Beesha Caalamka.

Wufuud hordhac u ah Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan.

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoonka Baarlamaanka, Duqa Muqdisho, Madaxda Galmudug, HirShabeelle, Waqooyi Bari iyo xubno kale ayaa la sheegay in ay ku casuuman yihiin munaasabadda Calaamosaarka Aadan Madoobe.

Dhinaca kale, waxaa Ciidamada ammaanka la faray in ay adkeeyaan nabadgalyada maadaama Magaalada Baydhabo ay isugu tagaan mas’uuliyiin kala duwan kana hortagaan weerarro dhowr jeer lagu qaaday goobaha laga ilaalinayo Amniga Magaaladaas.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

24 mins ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

4 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

10 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

10 hours ago