Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka oo dhinac iyo dagaalameyaal ka tirsan AS, kaasi oo ka socda deegaanka Ceel-qooxle ee hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan AS oo ku sugnaa deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya sheegaya in ciidanka dowladda ay gudaha u galeen deegaanka Gumare oo hoos yimaada magaalada Moqokori, iyada oo ay halkaasi ka baxeen AS.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, wallow aan weli la ogeyn tirada rasmiga ah ee uu gaarsiisan yahay.
Saraakiisha ciidanka ayaa weli ka hadlin dagaalka oo weli ka socda deegaannada hoos yimaada magaalada Moqokori.
Dagaalka wuxuu ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ay dhaqdhaaqyo ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Mustaqbal
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…