Magaalada Nairobi waxaa ka socda dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ah aqoon yahan Soomaaliyeed, kaasoo xalay lagala baxay hoyga uu ka degan yahay Caasimada dalka Kenya.
Sida wararku sheegayaan, durba waxaa la qabtay qareeno Difaaca Aqoon yahanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Jimcaha beri Maxkamad la soo taagi doono, taasoo qaadeysa dacwado la sheegay iney Kenya ku soo oogtay.
Wali si dhab ah dibadda ma aysan ugu soo bixin Dacwada iyo waxa ay salka ku heyso, waxaase jira tuhuno la xiriirta hadalo hore uu u jeediyay Dr. Bursaliid oo Kenya qoonsatay, taasoo ah mida soo dadajisay in xabsiga ay dhigto.
Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ay saaxiibo dhaw yihiin ninka xiran, ayaa sharci darro ku tilmaamay in makamad la’aan uu xabsi isaga jiro Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid wax ka badan 24 Saacadood, iyadoo aaney wax Maxkaamd ah la soo hor istaajin, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in dib uu xoriyadiisa u helo.
Si kastaba, Bursaliid oo barre ka ahaa Jaamacadda Nairobi, ayaa ah nin ka faalooda arrimaha Siyaasada ee geeska Afrika, isagoo sidoo kale ka shaqeeya Safaarada Mareykanka ee dalka Kenya oo ku taala magaalada Nairobi.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…