Dalka Koofur Afrika ayaa dareemaya culays xooggan oo uga imaanaya Waddamada kale ee qaaraddaan kaddib markii ay kordhayn culayska lagu hayo Dadka soogalootiga ah ee dalkaas u tagay sidii ay uga shaqaynsan lahaayeen.
Beegsiga Dadka ajaanibta ah waxa uu hoos u dhigay cilaaqaadka Koofur Afrika ay la leedahay Dalal badan kuwaas oo billaabay in ay muwaadiniintooda kala baxaan Dalkaan maadaama ay bartilmaameed u noqdeen kooxo soogalootiga necel & ciidamo la socda.
Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa oo Pretoria kula kulmay dhiggiisa Kenya, William Ruto waxa uu ka codsaday in uu ka ergeeyo isla markaana Dalalka kale ee Afrika u hordhigo sidii arrintaan wax looga qaban lahaa.
Cyril Ramaphosa ayaa intaas ku daray in ay dhaleecayn badan kala kulmeen waddamo dhowr ah kuwaas oo ku dhaliilay sida ay Dowladdu u maaraysay beegsiga ka dhanka ah Ajaanibta ku dhex nool Dalkiisa kuwaas oo dhaqaale soo galiya Dalkaas.
“Waxa aan u baahanahay in nalaga caawiyo xal u helista caqabadaha soogalootiga, Koofur Afrika oo keliya ma wajahayso Caqabaddaan oo waxaa jira Dalal badan oo haysato arrintaan, waxa aan raadinaynaa waa xal waara” Ayuu yiri Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in ka dowlad ahaan ay aad ugu xun yihiin ficillada socda isaga oo ku goodiyay in ay qaadayaan tallaab sharci si loo ilaaliyo ajaanibta si lamid ah muwaadiniinta maadaama ay xuquuq ku leeyihiin inta ay ku dhex nool yihiin Dadkaas.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…