Madaxweynaha Croatia, Zoran Milanovic ayaa dib u celiyay Safiirka cusub Israa’iil ee dalkiisa kaddib markii uu sheegay in Maamulka Netanyahu uu caadaystay xasuuq uu ka gaysnayo Bariga Dhexe gaar ahaan Dhulka Falastiin si gaar ah Gaza.
Waxa uu intaas ku daray in Dadkiisu diidan yahay in uu soo dhaweeyo maamul bannaystay dhiigga Bani aadamka isla markaana jabiyay xeerarka caalamiga ah ee lagu kala xakamaynayo Dalalka ku jira axdiga Qaramada Midoobay sida uu hadalka u dhigay.
Croatia ayaa kamid ah Dalalka dhaca Koofur Bari Qaaradda Yurub, Dalkaan waxa uu kamid yahay Waddamo dhowr jeer cambaareeyay tallaabooyinka maamulka Benjamin Netanyahu uu ku xasuuqay Dadka Falastiin kuna boobay dhulkooda.
Liiska Dalalkaan waxaa Yurub ee diidan Israa’iil wixii ka dambeeyay duullaanka ay ku qaadday Gaza iyada oo halkaas ku dishay Dad gaaraya in ka badan 72,000 oo qof halka malaayiin kale ay kahor istaagtay gargaarka waxaa kamid ah
Spain, Ireland, Norway, Belgium, Slovenia, Italy, Iceland iyo kuwo kale, waxa ay dhammaantood cambaarayn iyo cadaadis isugu dareen Xukuumadda Benjamin Netanyahu oo weli kusii hanjabaysa in ay dhiig horleh ku daadinayso Bariga Dhexe.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…