Ciidanka Burundi ee ka baxay Somaliya oo gaaray Bujambura

200 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Burundi ee joogay Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Bujambura.

Askartaan ayaa diyaarad ka raacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana laga soo saaray Deegaanada Hir-Shabeelle.

Inta aan dhammaan todobaadkan waxaa Xukuumadda Bujumbura laga doonayaa in ay ku dhameystirto saarista kunka askari ee ay isku raaceen Midowga Afrika oo ay soo jeediyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe.

Labadaan boqol oo askari ayaa iyo sideeda boqol ee kale waxaa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loosoo gaabiyo loo gudbiyay Magacyadooda, si ay ugu saaraan Liiska askarta ugu howlgaleysa Soomaaliya.

Dowladda Burundi oo uu ku adkaa go’aankaan ay ku saareyso kun kamid ah askarta kaga sugan Soomaaliya ayaa ku qasbanaatay in ay bixiso ciidamadaan.

Midowga Afrika ayaa qorsheynaya in Soomaaliya si tartiib-tartiib ah ugu saaro Ciidamadooda ku howlgalka Magaca AMISOM ee gaaraya 21,500, kahor inta aan soo gaba-gaboobin howlgalkooda oo ku siman 2020-ka.

Inta ka horreyso waqtigaas waxa ay ka qaybqaadan doonaan in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay heystaan, sidoo kalena Ciidamada Dowladda loo diyaariyo in ay la wareegaan Ammaanka Dalka.

Dowladda Burundi ayaa qaadatay dhowaan Magta Ciidamadeeda ku jira Howlgalka AMISOM, waxa ay sheegtay Xukuumadda Bujumbura in dhowr iyo tobanka sanno uu howlgalkaan socdo in ay kaga geeriyoodeen 800-1,000 oo askari.

Web master

Recent Posts

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

57 mins ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

3 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

3 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

4 hours ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

18 hours ago