GUDAHA/wararka

Ciidanka Badda Kenya oo qabtay Doon la sheegay in lagu waday Daroogo

Ciidamada Badda Kenya ayaa oo helay xog la xiriirta Doon waday Daroogo oo ku sugnayd Badweynta Hindiya ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan, Doontaan ayaa soo qabashadeeda qaadatay waqti sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Dalkaas.

Daroogada la qabtay ayaa qiimaheeda lagu sheegay in ay tahay 8.2 Bilyan oo Shilinka Kenya oo u dhiganta $63,467, waxaa ku socda baaris la xiriirta halka laga keenay, meesha ay sida gaarka ah ugu socotay iyo cidda leh mas’uuliyadda fal dambiyeedkaan.

Sarreeye Gaas Sankale Kiswaa, Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Kenya ayaa sheegay in ay waqti ku qaadatay soo qabashada Doontaan oo ay ku raad-joogeen qiyaastii 630 Kiilomitir bariga Magaalada Xeebta leh ee Mombasa.

Maxamed Amiin oo ah Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista ee DCI ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi doonno Doonta iyo Dadkii ku lugta lahaa waa marka lasoo gabagabeeyo baarista ay wadaan iyo diyaarinta Gal-dacwadeedka Xafiiska Xeer Ilaalinta kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan 6 ruux oo la filayo in berri oo Isniin ah lasoo taagi doonno Maxkamad inkasta oo aanay si dhab ah loo xaqiijin warkaan maadaama baaritaanka lagu wado waqti kale qaadan karo.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

12 mins ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

40 mins ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

2 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

2 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

16 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

17 hours ago