GUDAHA/wararka

Ciidan gadoodsan oo xirtay wadada gasha garoonka Magaalada Boosaaso

Wararka imaanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in askar gadoodsan ay xirteen wadada gasha Garoonka Diyaaradaha ee magaaladaasi.
Askartan oo kamid ah ciidamada ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha gobolka Bari ayaa cabanaya in aysan helin daryeelkii ay mudnaayeen.
Maamulka degmada Boosaaso iyo taliska qaybta booliska gobolka Bari ayaa ciidamada u taggay goordhawayd, iyaggoo wada-hadal la yeeshay.
Weli laguma guuleysan in wadadaas la furo, taas oo ah wado muhiim u ah isu-socodka dadka ee magaalada Boosaaso.
Ciidamo badan oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda buuraha Caalmiskaad ayaa lagu daryeelaya xarruumaha caafimaadka ee magaalada Boosaaso.
Mustaqbal
MM News

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago