Categories: GUDAHA/wararka

Canada:  Booliska oo xiray 6 Dhallinyaro Somali ah.

Booliska Dalka Canada ayaa xabsiga dhigay dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay hub sharci darro ah ku heysteen dalkaasi.

Howlgal ay sameeyeen Booliska ayey ku soo qab qabteen dhallinyaradaas iyaga oo xabsiga u taxabaaya,iyada oo sida ay booliska sheegeen baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo.

Booliska Canada ayaa howlgal ka fuliyay Guri ay magaalada Toronto ka degganyihiin wiilashaas oo lagu tuhmayo in ay heystaan hub sharci darro ah .

Mid ka  mid ah dhallinyarada Soomaalida ee Canada ku nool oo lagu magacaabo Sadiiq Cali Xaashi ayaa sheegay in Booliska ay amaanka sugayaan kuna amaananyihiin hayeeshee beegsiga ugu badan lagu hayo dhallinyarada Somalida ah.

Saraakiisha u hadashay Booliska howlgalka ku xir xiray dhallinyarada Somalida ah ayaa sheegay in wiilasha la baarayo haddii dambi lagu waayana la siideynayo.

Duqa Magaalada Toronto ayaa sheegay in habeenkii magaalada lagu kordhinayo 200 oo Askar Boolis ah kuwaas oo ka hortagaya amni darrada magaalada Toronto ka jirta.

Mustaqbal media

Recent Posts

Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah

Diblumaasiyiinta Dalka Aljeeriya ayaa la filayaa in ay dib ugu shaqo billaabaan Safaaradda wadankaasi ee…

2 hours ago

Uganda oo shaacisay in dalkaasi uusan ka jirin cudurka Ebola

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay in dalkaasi uu ka dhammaaday cudurka Ebola,…

2 hours ago

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlay fududeynta socdaalka labada dal, xilli warar soo…

3 hours ago

Wadahadalka Dowladda & Mucaaradka oo dib u billaabanaya

Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ayaa dib u billaabanaya iyada oo weli ay taagan yihiin…

6 hours ago

Wasiir Al-Cadaala “Amniga Puntland waxaa mas’uul ka ah dowladda Soomaaliya.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo…

7 hours ago

Hindiya oo Soomaaliya ku wareejinaya Maxaabiis ku xukuman Xabsi daa’in

Muwaadiniin Soomaali ah oo tiradoodu gaarayso 44 qof oo Maxkamad ku taalla Mumbai ay ku…

8 hours ago