Khasaare Hanti ayaa ka dhashay dab ka kacay Suuqa ugu weyn Magaalada Wajeer, saacado ayay ku qaadatay Dadka deegaanka in ay damiyaan Dabkaas maadaama kasoo daaheen Gawaarida Dab damiska.
Cabdirisaaq Ibraahim oo kamid ah Guddiga Ganacsatada Suuqa Gubtay ee Wajeer oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in Khasaaraha ilaa haatan in aysan ku sameyn tira-koob rasmi ah balse lagu howlan yahay sidii lagu ogaan lahaa inta uu gaarsiisan yahay.
Qaybta Bacadlaha ee Dharka lagu iibiyo ayuu sheegay Cabdirisaaq in dabka xooggiisa uu baabi’iyay, dhismaha Suuqa oo ah labo qayb lagu guuleystay in qaybaha kale ee dabka uusan gaarin in laga sii saaro hantidii taalay.
Waxa uu dhaliilay Maamulka Wajeer maadaama uu awoodi waayay in dab damis la geeyo waqti hore si looga hortago dabka isaga kala gudbay Goobaha Ganacsi ee deriska ah balse markii dedaal xooggan Shacabku geliyeen kaddib Gawaaridaas la geeyay.
“Dabka waxa uu geystay khasaaro ilaa hadda aan tira koob rasmi ah lagu sameyn balse lagu howlan yahay in lasoo gudbiyo inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay, Hantida markii ay gubatay kaddib ayaa la keenay Dab damis” ayuu yiri Cabdirisaaq Ibraahim oo kamid ah Guddiga Ganacsatada Suuqa Wajeer.
Waxaa sii kordhay gubashada Suuqyada, waxaana ka dhashay Khasaaro hanti oo soo gaaray Dadka wax ku iibinayay, inta badan lama soo bandhigo sababta ka dambeysa gubashada goobaha lagu ganacsado waana tan keentay in waayo xalka kahortagga Dabka.
Mustaqbal
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…