GUDAHA/wararka

C/raxmaan C/shakuur oo soo jeediyay in si dhab ah loo baaro Drones uu dalka keensaday xildhibaan Sakariye.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa ka hadlay diyaarado Drones ah oo todobaadkii hore ay garoonka Muqdisho ku qabteen ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Mr. Warsame oo goordhow qoraal ku soo daabacay bartiisa Facebook, ayaa soo jeediyay in la xaqiijiyo waxa laga damacsanaa diyaaradahan Drones-ka ah ee Muqdisho lagu qabtay, isagoo muujiyay cabsi ku aadan in lagu maleegi karo fal lamid ah midkii xalay uu ka badbaaday ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq.

“Maadama xalay Raysalwasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay” ayuu yiri.

Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya , ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, iyada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka.

C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa dhinaca kale hay’adaha iyo dowladaha taageera dalkan ka dalbaday iney hubiyaan halka ay u socdeen rasmi ahaan diyaaradahan.

“Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone la qabtay, iyo halka ay ku socotay” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, ayaa sheegtay diyaaradahan, isaga oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland

Si kastaba, Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, iyada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo., Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan.

Injineeradan ayaa la sii daayay markii danbe kadib markii ay kiiskan soo fara gelisay safaarada Turkiga ee Muqdisho.

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

18 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

19 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

19 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

20 hours ago