Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla II, ayaa munaasabad ka dhacday Qasriga Basman kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjiraha cusub ee ay dowladda Soomaaliya u soo magacawday dalkaas.
Munaasabaddan ayaa qayb ka ahayd xaflad Boqorku uu sidoo kale waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay safiirada cusub ee dalalka Imaaraadka Carabta, Aljeeriya, iyo Ireland.
Safiirka cusub ee Soomaaliya ayaa Boqorka gaarsiiyay salaan iyo farriin uu uga siday madaxda qaranka Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka faca weyn iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhexeeya dalka Urdun.
Dhankiisa, Boqor Cabdalla II ayaa soo dhoweeyay danjirayaasha cusub, wuxuuna u rajeeyay in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadkooda diblomaasiyadeed ee loo igmaday, isagoo xaqiijiyay in dowladdiisu ay ku garab istaagi doonto sidii loo horumarin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya dalkiisa iyo dalalka ay metelaan.
Mustaqbal
Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta kalluumeysiga ee Turkiga la filayo…
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…