Boqolaal ruux oo u badan taageerayaasha Ra’iisul Wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa isugu tagay Bartamaha Magaalada Tokyo oo la mariyay meydkiisa, Abe oo ayaa lagu toogtay Magaalada Nara 8dii July 2022.
Ciidamo booliis ah oo loogu talagalay in ay adkeeyaan Nabadgalyada ayaa la dhigay waddooyinka si ay uga hor tagaan wax weliba oo sababi kara in ay shacabka kacaan ama dhacdo lamid ah toogashada loo geystay Shinzo Abe.
Warbaahinta Gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiin katirsan Dowladda Japan in ay ka qaybgaleen sagootinta loo sameeyay oo qaybo kamid ah Magaalada Tokyo la marsiiyay Gaariga lagu qaaday Maydka Ra’iisul Wasaaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan.
Dadka ayaa sheegay in ay ku xusuustaan sida uu u maareeyay dhaqaalaha iyo siyaasadda Japan ay la wadaagto waddamada kale ee caalamka, kahor inta uusan iska casilin xilka wasiirka koowaad ee Dalkaas.
“Shinzo waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaare kasbaday quluubta qof weliba oo reer Japan ah, waxaa lagu xusuusan doonaa oo aan naga tagin waxqabadka xukuumaddiisa September 2012 ilaa October 2020” Sidaasi waxaa yiri qof kamid ah Dadka sogootiyay Shinzo Abe.
Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa cambaareeyay falka lagu toogtay Shinzo Abe, waxa uu ku hanjabay in caddaaladda la hor geynayo Qofkii sameeyay toogashada, Warbaahinta qaar ayaa sheegtay in ay saraakiil ay kasoo xigatay in qofka toogashada sameeyay uu katirsan yahay Ciidanka Badda Dalkaas.
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…