GUDAHA/wararka

Muxuu yahay heshiisyada ay wada gaareen Hoggaamiyaasha Soomaaliya & Eritrea?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku joogay Dalka Eritrea ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ka dib kulamo kala duwan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta uu joogay Dalka Eritrea ayaa waxa uu booqday xerada lagu tababarayay dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo jooga dalkaas Tababar Ciidan.

Labada hoggaamiye  Soomaaliya iyo Eritrea ayaa wada gaaray heshiis kaas oo quseeya iskaashiga laba geesoodka ah ee dalka Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha diblomaasiyadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, deegaanka, difaaca & amniga.

Heshiiska ay wada saxiixeen Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Eritrea Isaias Afwerki ayaa ka kooban illaa todobo qodob oo kala ah:

  1. Adkaynta xiriirka labada shacab oo ay ku jiraan qurbajoogta labada dal.
  2. Xoojinta wada-shaqaynta siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo, loona horumariyo danaha labada qaran.
  3. Ballaarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo ganacsiga, maalgashiga, biyaha, beeraha, kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.
  4. Sare u qaadidda iskaashiga dhinaca dhaqanka, suugaanta, ciyaaraha iyo sayniska.
  5. Adkaynta wada-shaqaynta ilaalinta iyo horumarinta deegaanka iyo wax ka qababashada saamaynta masiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurrada faafa.
  6. Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga.
  7. In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta iskaashi, isdhexgal dhaqaale iyo xiriir wanaagsan oo ay yeeshaan dalalka Geeska Afrika.

Heshiiska ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladdii hore ee uu Hoggaaminayay Madaxweynihii 9aad ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu horay heshiis ula galay Madaxweyne Isaias Afwerki kaas oo aan dhaqan galin.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

24 mins ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

6 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

6 hours ago

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

7 hours ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

8 hours ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

8 hours ago