Qaar ka mid ah Saraakiisha Booliska Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay lacag ka qaataan AL-shabaab islamarkaana u suurta geliyaan in ay gaaraan halkii ay doonaan.
Arrintan ayaa lagu ogaaday baaritaan ay sameysay Kooxda Dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana falkani dhacay Bishii February ee Sanadkan,markaas oo shan xubnood oo ka tirsan Al-shabab loo oggolaaday in ay Hub la galaan gudaha Kenya.
Saraakiisha Booliska ee jooga Sohdinta Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qaateen midkiiba $20 Doollar oo kali ah una oggolaadeen Al-shabaab in ay gudaha u gudbaan.
Xubnaha Al-shabab ee xilligaas ka gudbay Sohdinta ayaa lagu sheegay in ay ku jiraan Abdimajit Hasan Adan iyo Mohammed Nanne Osman,kuwaas oo hadda xabsi ku jira.
Waxaa lagu qabtay Hotel ku yaalla Nairobi halkaas oo ay ku abaabulayeen weerar ay u geystaan Xarumaha Muhiimka ah ee Magaalada sida Saldhigga dhexe ee Booliska Kenya iyo Dhismayaasha muhiimka h ee bartamaha Nairobi ku yaalla.
Warbixintan ayaa waxaa daabacday kooxda dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea iyaga oo xiganayay saraakiil ka mid ah Booliska Dalka Kenya.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…