Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay dhalinyarro caanka ah Baraha Bulshada kuwaasi oo ku eedeysan in ay faafiyeen anshax xumo.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in dhalinyarradaan tiradooda gaareyso toban ruux, isla markaasna ay ku howlanaayeen Anshax Xumo.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dhalinyarradaan ay sameeyeen muuqaalon lagu faafiyay baraha bulshada sida Tiktok, Youtube iyo Facebook.
Gaashaanle Cabdiftaax ayaa sidoo kale shaaciyay in dhawaan Maxkamad la horgeyn doono dhalinyarradaan, isagoo digniin u diray goobaha Hoteellada oo ay ku duubi jireen Muuqaalada.
Ugu dambeyn, Afhayeenka Booliiska ayaa ku dhawaaqay in markii ugu horreysay ay Soomaaliya hirgalisay xaruun gaar ah oo ka shaqeyn doonta daba galka iyo baarista dambiyada ka dhaca Internateka.
Mustaqbal
Dowladda Canada ayaa war cusub ka soo saartay geerida Cabdiraxmaan Cabdi oo ahaa muwaadin Soomaali-Canadian…
Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…
Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…
Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…
Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…