Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay xaaladda Dalka iyada oo Dowladda Federaalka Soomaaliya & Mucaaradka ugu baaqday in ay dib ugu laabtaan wadahadalka ay uga go’aan gaarayaan Geeddi socodka sida Arrimaha Doorashooyinka.
Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen Qaramada Midoobay, Boqortooyada Ingiriiska & 9 Dal oo xubin ka ah Ururka Midowga Yurub waxa ay ku garab istaageen qorshaha lagu xoojinayo dedaallada nabadda ee wadahadalka uu salka u yahay.
Dowladda Federaalka iyo Madasha Mustaqbalka ayay usoo jeediyeen in ay xoogga saaraan sidii dib loogu noqon lahaa miiska wadahadalka oo horay ugu kala tageen kaddib markii ay isku fahmi waayeen qodobadii ay kawada hadlayeen.
Waxaa socda dedaallo kala duwan oo dib loogu soo celinayo wadahadallada iyada oo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ay labo daraf ka kala taagan yihiin Arrimaha Doorashooyinka, muddo xileedka Dowladda & Dastuurka lagu shaqaynayo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Doorashada Dalka ka dhacayso ay noqonayso mid Dadweyne, sidoo kale muddo xileedkeeda uu ku siman yahay 15ka May 2027 halka Dastuurka lagu dhaqmaya uu yahay kan uu u codeeyay Baarlamaanka ee 2026.
Mucaaradka ayaa saddexdaas qodob ku diidan Dowladda Federaalka, waxa uu doonayaa in Doorasho Dadban dib loogu laabto, halka muddo xileedka Dowladdu uu ku doodayo in uu dhammaaday 15kii May 2026, waxaana uu sal ka dhiganayaa Dastuurka 2012.
Kala fogaantaas waxa ay dhalisay caqabad ay ka gudbi waayeen oo sababtay in ugu dambayn ay ku kala tagaan wadahadalkii u socday iyada oo dhinac weliba uu dhanka kale dusha ka saarayo Mas’uuliyadda kala taggaas waa dhanka wadahadalka.
Dowladda Federaalka & Mucaaradka ayaa laga sugayaa jawaabta ay ka bixiyaan fariinta ka timid Beesha Caalamka oo wakiillo ka socda ay dhexdhexaadinayeen labadaan dhinac, waxaa sidoo kale socda kulamo wadatashiyo ah oo dhinac weliba ku xoojinayo aragtidiisa siyaasadeed.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…
Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…
Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…
Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…
Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…
15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…