GUDAHA/wararka

Askari katirsan ciidanka Puntland oo Gobolka Nugaal ku dhaawacay Arday Imtixaan u fadhisay

Saddex Arday ayaa ku dhaawacantay rasaas uu furay Askari katirsan ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland oo ilaalinayay Arday galaysay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Maamulkaas oo lagu qaadayay Iskuul ku yaalla Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Ardayda dhaawaca soo gaaray ayaa loo qaaday mid kamid ah Goobaha Caafimaadka si looga daweeyo, waxaana warar is khilaafsan uu kasoo baxayaa sababta keentay in Askarigaas uu rido rasaasta dhaawacaas dhalisay.

Wararka ugu badan ayaa sheegaya in Askariga iyo qaar kamid ah Ardayda Imtixaanka galaysay ay is afgaareen kaddibna uu Askarigu sidaas uu ku furay rasaasta sababtay dhaawaca saddexda Arday waxaana isbaddellay jawiga goobta.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland gaar ahaan Taliska Booliiska Burtinle oo gaaray goobta ayaa la sheegay in ay billaabeen baaritaanno la xiriira sida uu falkaas u dhacay iyaga oo su’aalo weydiiyay dadkii goobjooga u ahaa dhacdadaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

13 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

16 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

17 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

18 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

18 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

19 hours ago