Axmed Madoobe “Doorashada Jubbaland iyo La Dagaalanka Al-Shabaab iskuma xirna”.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in ay sii wadayaan Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu beeniyay in ay dib u dhigayaan Doorashada Bilooyinka soo socda la filayo in ay ka dhacdo Deegaanada Maamulkiisa.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhaq-dhaqaaqiisa ay wadaan iyo Doorashada aan isku xirneen.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in xiligii Dalka uu ka socday Halgankii looga saarayay Gumeystihii la isku dhex wadi jiray Doorashada iyo Dagaalka, halkaana uu ka tusaale qaadan doono.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxa uu ka dalbaday in la joojiyo ka tacsiyeenta Dadka Al-Shabaab ay ku dilaan qaraxyada iyo weerarada, badalkeedane ay ku dhaqaaqdo in ay duulaan ku qaado sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ku dhinta Qaraxyada ka yar ayuu sheegay in ay kaga dhimanayaan dagaalka tooska ah ee lagu qaadayo Al-Shabaab, kuna qabsanayaan deegaanno uu tilmaamay in looga soo duulaan tago.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay tagayay Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose waxa uu ku dhawaaqayay Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, inkasta oo aan jirin illaa iminka deegaan ay ku duuleen.

Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhig Ciidamada Jubbaland ee loo diyaariyay dagaalka loo qorsheeyay oo ku yaalla Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubada Hoose.

Mustaqbal media

Recent Posts

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada saxiixday heshiis la xiriira dhinaca Amniga iyo Difaaca

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa wada saxiixday heshiis Is afgarad ah oo la xiriira Iskaashiga…

6 hours ago

DFS ayaa shaacisay in ay fududeynayso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari

Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhiirigalineyso wada hadallo ay yeeshaan Maamulada Waqooyi Bari…

6 hours ago

Dadka Qasa oo maanta Salaada Janaasada ku tukuday 112 ruux oo 3 sano ka dib la helay Meydadkooda

Magaalada Qasa waxay saaka marti galisay aaska iyo janaasada in ka badan 100 ruux oo…

8 hours ago

DFS oo dhammaadka sannadkan soo bandhigeysa Natiijada rasmiga ah ee qodida Shidaalka Ceelka Curad 1

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay in…

8 hours ago

MW Xasan Sheekh “Soomaaliya waxa ay u furan tahay in la Maalgashado”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…

13 hours ago

Turkiga oo Soomaaliya keenaya Maraakiib Kalluumaysi

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…

14 hours ago