AMISOM oo Wareejisay Saldhig ay ka hirgelisay Baladweyne.

Dhismaha saldhigaan waxaa mas’uuliyadiisa qaatay Booliiska AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladwyene.

Waxa ay dhiseen Xafiisyo kooban oo ay ku shaqeynayaan Saraakiil Booliis Soomaali ah, si wax looga qabto Xaaladaha Amni darro, Kiisaska dadka ay isku heystaan iyo adeegyada guud ee ay ugu baahan yihiin Saldhigyada Booliiska.

Cabdiraxiim Muxumad Taakoy, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Magaalada Baladweyne ay ballaaratay, sidaas awgeed ay u baahatay in La kordhiyo Saldhigyo booliis.

AMISOM ayuu ugu mahad celiyay in ay u hirgeliyeen Saldhig laga dhisay Xaafadda Howlwadaag oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Cabdiraxiin Taakoy Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Hiiraan.

Maxwell Chikunguru, oo ah isku duwaha dib u habeynta iyo Dib u dhiska AMISOM ayaa sheegay in saldhigaan uu muhiim u yahay dib usoo celinta xasiloonada iyo kala dambeynta.

Waxa uu ka dalbaday saraakiisha Booliiska Soomaalida ee halkaa ku shaqeyn doonto in ay ugu adeegaan shacabka.

“Waxaan Maanta halkaan u nimid in aan soo gaba-gabeynayo howshii lagu hirgelinayay saldhigaan booliiska, sida aad u ogtihiin Saldhiggan shaqadiisa waxa uu muhiim u yahay deegaankaan,  si looga hubiyo xasiloonida iyo kala dambeynta, sidaas awgeed qof waliba waxa uu ogsoon yahay qofshaha kala guurka iyo u diyaar garowga halka loo marayo, waxaana looga baahan yahay booliiska Soomaaliya in ay awood buuxda u yeeshaan hubinta dib usoo celinta Sharciga iyo kala dambeynta”. Ayuu yiri Maxwell oo ah isku duwaha dib u habeynta dib u dhiska AMISOM.

Maxwell Chikunguru, oo ah isku duwaha dib u habeynta iyo Dib u dhiska AMISOM

Maxmaed Macow Xalane oo kamid ah saraakiisha Booliiska ee ku shaqeyn doonto Saldhigaan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in lagu wareejiyo Mas’uuliyadda Saldhigaan.

Waxa uu ballanqaaday ay ugu shaqeyn doonaan baahida ay kolkii hore u dalbadeen, isla markaana ay tixgelin doonaan shacabka ay ugu adeegayaan.

Maxmaed Macow Xalane Taliyaha Saldhigga cusub ee la dhisay.

Booliiska AMISOM ayaa Ciidamada Booliiska Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada kala shaqeeya tababarada iyo dib u dhiska, xiliyada qaar waxa ay kala qaybqaataan howlgalada ay sameeyaan.

Maxwell Chikunguru iyo Maxamed Macow, kala wareegista furaha Saldhigga.

Web master

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

5 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

8 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

8 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

8 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

20 hours ago