AMISOM oo war ka soo saartay dadkii rayidka ahaa ee ay ku dishay Suuqa Xoolaha

War-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in Ururka uu baaritaan dhab ah ku sameynayo dhacdada ay ku dhinteen afarta qof ee rayidka ahayd ee ka dhacday Ex Koontarool Balcad Degmada Huriwaa.

Qoraalka AMISOM ayaa looga tacsiyeeyay ehelka dadka dhintay,waxaa kale oo lagu sheegay in Ciidamada AMISOM tababarkooda ay ka mid ahayd dhowrista xeerarka caalamiga ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Waxaa lagu sheegay in baaritaankaas la wadayo ilaa caddaaladda laga horkeeno askarta ku lugyeelata.

AMISOM waxaa ay sheegtay in baaritaankaas ay la kaashaneyso Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya islamarkaana la wadayo inta laga dhameystirayo.

Tiro dhowr jeer aha ayey sidan oo kale Ciidamada AMISOM dilal ugu geysteen dad Soomaali ah,waxaana ugu dambeeyay Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubaland oo Ciidamada Kenya ay shalay gaari ku jiirsiiyeen Magaalada Kismaayo,halkaas oo uu ku geeriyooday.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

52 mins ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

1 hour ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

3 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

3 hours ago

Guddoomiyaha KMG oo magacowday Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…

17 hours ago

Trump oo sheegay inuu joojiyay weerar uu ku qaadi lahaa Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhowaaqay inuu dib u dhigay weerar ay ciidamada dalkaasi…

17 hours ago