Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sawirka: Amisom
Ciidanka AMISOM ayaa tababar socday toban maalmood u qabtay 30 ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Maamulka Koofur Galbeed.
Askartaasi waxaa la barayay hanaanka maamulka Dadweynaha ,waxaana lagu qabtay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed.
Wax yaabaha sida gaarka ah loo barayay waxaa ka mid ah ka hortagga rabshadaha,xakameynta dibadbaxyada,maamulka dambiyada iyo wixii la mid ah.
Tresphord Kasale, oo ah Taliyaha qeybta Booliska AMISOM ee Koofur Galbeed ayaa sheegay kaddib tababarka Ciidamadaas lagu qalabeynayo agabka ay u baahanyihiin .
Labo ka mid ah saraakiisha Booliska ee tababarka ka qeyb qaatay oo kala ah Xasan Maxamed C/Raxmaan iyo Aadan Maxamed Bashiir ayaa sheegay in ay xirfado muhiim ah ka barteen tababarka loogu qabtay Baydhaba kuna dhaqmi doonaan.
Waxaa ay sidoo kale madasha ka ballan qaadeen in ay xirfaddooda uga faa’ideyn donaan saaxiibada kale ee ay wada shaqeeyaan.
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…
Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…