Categories: DIBADDA/Wararka

Amiirro u dhashay Imaaraadka oo u baxsaday Dalka Qadar

Wararka ka imanaya Dalka Imaaraadka Carabta waxaa ay sheegayaan in Amiirro u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta ay iska dhiibeen dalka Qadar.

Amiirka ugu caansan waxaa lagu magacaabaa Sheikh Rashid bin Hamad al-Sharqi, oo ah 31 jir,waana wiilka 2aad ee Amiirka Imaarada lagu magacaabo Fujairah oo ka mid ah 7-da Imaaraadood ee dalka Imaaraadka Carabta.

Sheekh Rashiid ayaa si lama filaan ah subax 16kii May waxaa uu uga duulay Dubai,waxaana uu ka degay Magaalada Dooxa,halkaas oo uu magan galyo siyaasadeed weydiistay Dowladda Qadar.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Xukuumadda Dubai uu muran soo kala dhexgalay naftiisana u cabsanayo.

Saraakiisha Safaaradda Imaaraadka ee Washington ayaa ka gaabsaday arrintan hase ahaatee waxaa xaqiijiyay madaxda dalka Qadar oo sheegay in Amiirka isdhiibay ay xiriir dhow la leeyihiin.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la…

1 hour ago

Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed

Fadhi aan caadi ahayn oo ay maanta magaalada Laascaanood ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka…

5 hours ago

Masar oo markale garab istaag u muujisay midnimada & Xasiloonida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Dr Badr Abdelatty ayaa markale ku celiyay in Dowladdiisa ay garab…

8 hours ago

Xukuumadda Netanyahu oo waqti kordhin u samaysay xaaladda ka dhalatay cabsida ay ka qabaan Iiraan

Sida ay ku warrantay Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Israa’iil, waxaa maalmo dheeraad ah lagu…

9 hours ago

Shirarka looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM oo ka kala socda Muqdisho, Addis Ababa & Kampala

Magaalooyinka Muqdisho, Addis Ababa iyo Kampala waxaa ka socda shirar looga hadlayo Mustaqbalka Howlgalka Midowga…

11 hours ago

Ciyaaryahan Marc Cucurella oo sharaxay sababta uusan u jarayn Tintiisa

Ciyaaryahanka u dhashay Dalka Spain kuna guullaystay Koobka Adduunka 2026 ee lagu magacaabo Marc Cucurella…

11 hours ago