Al-Shabaab oo Sheegatay Weerar qaraxyo ku bilawday oo ka socda Kenya.

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa sheegaya in Gelinkii dambe ee maanta koox hubeysan ay weerar ku qaatay Hoteel ku yaalla Degmada Westland.

Halka la weeraray dhismaha ku yaalla waxa ay isugu jiraan Hoteelo, Xafiisyo iyo Goobo Ganacsi, waxaana tagay Ciidamo dheeraad ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan GSU-da ee la dagaalamo waxa loogu yeero Argagixisada.

Muuqaal lasoo duubaay waxaa ka dhex muuqdo Qaac ama Uuro ka baxeyso Dhismaha weerarka ka dhacay, waxaana sidoo kale lasoo bixiyay qaar kamid ah dadkii ku sugnaa.

Ciidamada ayaa adeegsanaya Diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helicopteda, waxaana la arkayaa Ciidamo Caddaan ah oo hubeysan.

Dhimasho iyo Dhaac midna lama hayo inta ay gaarsiisan yihiin, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan in uu jiro Khasaare.

Gaari Walxaha Qarxa lagu soo raray ayaa lagu dhuftay Iridka Kontoroolka ah ee looga gudbo dhismaha, waxaana xigay Rasaas la sheegay in ay is weydaarsanayaan Kooxdii Weerarka qaaday iyo Ciidamada halkaa tagay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan, waxa ayna sheegteen in dagaal yahano katirsan ay gudaha ugu jiraan Dhimsha ay weerareen oo ay tilmaameen in uu ahaa Bartilmaameedkooda.

Kenya wali kama hadlin, waxaana Warbaahinta Dalkaasi laga soo deynayaa dadka laga soo bixinayo Dhismaha la weeraray oo ay isku gedaameen Ciidamada.

Dhismaha la weeraray.

 

 

Dad dhaawac gaaray
Halka uu ku qarxay Gaariga.
Qof laga soo bixiyay Goobta.

La soco wixii kasoo kordha.

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

9 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

11 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

14 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

14 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

15 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

15 hours ago