Warbixintaan waxaan ku eegi doonnaa xidigaha ugu cad cad in ay ka tagaan kooxohooda suuqa janaayo waxaana ka mid ah.
1-Edin Hazard.
Kabtanka xulka Belgium iyo kooxda Chelsea Edin Hazard ayaa ka mid ah xidigaha aadka looga doonayo suuqa waxaana uu diirada u saaran yahay kooxda Real Madrid.
2-De Jong.
Xidiga qadka dhexe ee kooxda Ajex iyo xulka Hollan ayaa waxaa uu diirada u saaran yahay kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay Barcelona waxaana uu ka mid yahay xidigaha kooxohooda ka tagi kara janaayo.
3-Ramsey.
Kubad sameeyaha kooxda Arsenal iyo xulka Wales ayaa isna ka mid ah xidigaha ka hayaami kara kooxo hooda waxaana uu ku dhawyahay Juventus.
4-Fabregas.
Xidiga kooxda Chelsea iyo Spain Cesc Fabregas ayaa lagu wadaa in uu ka tago Chelsea suuqa janaayo waxaana lala xiririyay Inter Milan.
5-Kalidou Koulibaly.
Daafaca kooxda Napoli iyo Senigal ayaa aad loola xiririyay kooxda Man United waxaana uu ka mid yahay xidigaha suuqa laga doonayo.
6-Isco.
Laacibka gadoodka ka ah kooxda Real Madrid ayaa ka mid ah xidigaha aadka looga hadal hayo suuqa kana tagi karo kooxdiisa.
7-Adrien Rabiot.
Da’yarka kooxda PSG iyo xulka France ayaa ka mid ah xidigaha laga hadal haayo suuqa waxaana uu aad ugu dhawyahay kooxda Barcelona.
8-Christian Pulisic.
Dhaliyaha kooxda Borussia Dortmund iyo xulka USA ayaa isna ka mid ah xidigaha suuqa laga baadi goobaya waxaana uu ku dhawyahay in uu ku biro kooxda Chelsea.
9-Nicolas Pepe.
Garabka kooxda Lille ayaa aad loola xiririyay in uu ku biirayo kooxda Arsenal dalabyo kala duwan ayeeyna ka gudbiyeen waxaana uu ka mid yahay xidigaha suuqa laga doonayo.
10-Callum Hudson-Odoi.
Da’yarka kooxda Chelsea Odoi ayaa isna ka mid ah xidigaha kooxo hooda ka tagi kara inta lagu guda jiro suuqa janaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…