Guddiga doorashooyinka heer dowlad Gobaleed SEIT Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6-da kursi ee ugu dambeeya kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaalioya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland.
Lixda kursi uu Guddiga shaaciyay ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashadooda maalinta jimcha oo ku beegan 18 Maarso 2022.
Kuraasta uu SEIT Puntland shaaciyay ayaa kala ah:
HOP#198: Sleymaan Maxamuud Xaashi
HOP#199: Xaawa Yuusuf Axmed
HOP#191: Daahir Maxamuud Muuse
HOP# 073: Cali Axmed Jaamac Jangali
HOP#221: Daa’uud Maxamed Cumar
HOP#129: Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samater

Dhanka kale Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Jubbaland ayaa shaaciyay 4 kuris oo ka mid ah kuraasta BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo.
Kuraasta uu guddiga shaaciyay ayaa kala ah:
HOP#029: Liibaac Cusmaan Cabdiraxmaan
HOP#124: Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
HOP#133: Luul Cabdi Aadan
HOP#219: Cabdifitaax Maxamed Cali
Kuraastaan ayaa lagu wadaa in la qabto doorashadooda 21 March 2022.

Mustaqbal
No Comments