Guddiga Hirgalinta doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Galmudug ayaa maanta qabtay doorashada saddexda kursi ee ugu dameysay kuraasta Golaha Shacabka BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Doorashada Saddexdaan kursi ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doporashada labaad ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Doorashada kursiga koowaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#018, ayaa waxaa ku soo baxday Sahro Colaad Cabdi, sida uu ku dhawaaqay SEIT Gaalkacyo. Kursigaan waxaa Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay Qaasim Maxamed Jaamac.

May be an image of 1 person and standing
Sahro Colaad Cabdi

Waxaa xigtay doorashada kursiga labaad kaas uu tirsigiisu yahay HOP#021, asiga oo ku guuleystay Xuseen Axmed Culusow, Sida uu ku dhawaaqay SEIT Galmudug. Kursigaan waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad Maryan Haaji Abdi Geedi.

May be an image of 2 people and people standing
Xuseen Axmed Culusow

Doorashada kursiga saddexaad HOP#020 oo ah kursiga ugu dambeeya kuraasta BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaa waxaa ku soo baxday Shamso Cilmi Xassan, sida uu ku dhawaaqay SEIT Galmudug. Kursigaan waxaa Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay Cali Axmed Shariif Cusmaan.

May be an image of 1 person and standing
Shamso Cilmi Xassan

Galmudug ayaa noqneysaa maamulkii Dowlad Gobaleedkii labaad oo soo gabogabeeya doorashada Golaha Shacabka, waana Maamulkii afaraad oo soo idleeya doorashada Golaha Shacabka.

Mustaqbal