Magaalada Garoowe waxaa maanta ka dhacday Doorashada 6 kursi oo Golaha Shacabka ah, kursigii ugu horreeyay oo tirsigiisu yahay HOP#192: kuna fadhisay Sacdiya Maxamed Xasan waxaa ku guuleystay Maxamed Faarax Nuux.
Sida uu sheegay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Dowlad-GOboleed SEIT Puntland, Maxamed waxa uu helay oo helay 91, Ruweyda Maxamuud Maxamed waxa ay heshay 1 cod, waxaana xumaado labo cod.

HOP#094: DG Puntland waxaa Baarlamaanka 10aad ku metalay Axmed Ismaaciil Shabeel, waxaa ku tartamay Sahra Cabdullaahi Cigaal oo heshay 87 cod, halka Fardowsa Maxamed Aadan ay heshay 3 cod, waxaana xumaaday 7 cod.

HOP#121: Waxaa ku fadhisay Canab Xasan Cilmi, waxaa ku guuleysatay Farxiya Yuusuf Cumar oo codeyn gacan-taag ah ku heshay 101 Ergo oo ah dhammaan xubnihii codeeyay maadaama ay tanaasushay Nimca Cabdi.

HOP#014: Sacdiya Careys Ciise ayaa ku fadhisay, waxaa ku tartamay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar oo helay 90 cod & Cabdirisaaq Axmed Xuseen oo helay 3 cod waxaana xumaaday 7 cod sida uu sheegay SEIT Puntland.

Cabdiqani Maxamuud Maxamed ayaa ku soo baxay kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#075 ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay oo ahaa Axmed Cabdiraxmaan Cilmi, waxaana haa ugu codeesay 98 ruux, waxaana ka aamustay 2 halka ay uu diiday 1 qof, wadarta Ergada ayaa dhaneed 101, sida uu ku dhawaaqay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntland.
Waxaa ku fadhisay Baarlamaankii 10aad xil Ikraan Yuusuf Xirsi

Khadra Axmed Maxamed ayaa ku soo baxday kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#174 ka dib markii ay nataasushay Leyla Cabdi Faarax, Eragada oo dhaneed 101 ayaa ogal ugu codeeyay Khadra, sida uu sheegay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer DG SEIT Puntlanad.
Kursigaan waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Burhaan Aadan Cumar

Mustaqbal
No Comments