Waxaa maantay lagu wada magaalada Dhuusmareeb ee Caasimadda DG Galmudug in ay ka dhacdo doorashada 4 kursi oo ka mid kuraasta Golaba Shacabka BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Guddiga Doorashooyinka Heer DG SEIT Galmudug ayaa shaaciyay musharaxiinta ay u diiwaan galiyeen kuraastaan kuwaas oo la guddoonsiiyay shahadaada musharaxnimo.
Kuraasta lagu madal sanyahay doorashadooda saakay ayaa kal ah
HOP#139: oo ay u sharaxanyihiin labo musharax oo kala; Cabdisamad Maxamuud Xasan iyo Xamdi Shire Cali. Waxaana ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Xil Cabdixakiin Macalin Axmed oo xubin ka mid ah Aqalka Sare noqday.
Kursiga labaad kaas uu tirsigiisu uu yhaya HOP#049 ayaa waxaa ku tartami doonta 4 musharax oo kala ah: Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdullaahi Cali Guutaale, Jamiilo Cali Xayle iyo Cabdinuur Ciise Xiirey. Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10ad Xil Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo markale u tartamaya.
Kursiga seddexaad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP# 051 ayaa waxaa ku tartami doonta labo musharax oo kala ah; Xuseen Maxamed Nuur iyo Maxamed Geedi Cawaale. Waxaana ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad Xil Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali.
Kursiga u dambeeya oo ah kursiga afaraad kaas uu tirsigiisu uu yahay HOP#061 ayaa waxaa ku tartami doontaa labo musharax oo kala ah; Dayax Axmed Cali Cumar iyo Cabdiqaadir Abuukar Cabdi. Waxaa ku fadhiyay Baarlamaankii 10aad Xil Cabdiwali Maxamed Qanyare Afrax.
Dhanka kale Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Galmudug ayaa dib u dhigay doorashada kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#071 kaas uu ku fadhiya Xil. Cabdisaabir Nuur Shuuriye kursigaan ayaa lagu waday doorashadiisa inay dhacdo saakay balse Qoraaal ka soo baxay guddiga ayaa lagu yiri: “Maadaama habraacyada doorashada kursiga HOP#071 dhamaystirneyn waxaan hakinay qabashada doorashada kursiga HOP#071.”

No Comments