Madaxweynaha Dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa aqbalay in uu wadahadal la yeesho dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin si loosoo afjaro colaadda kala dhaxeysa tan iyo sanadkii 2022 oo dalkiisa geliyay dhibaatooyin xooggan oo ka muuqda.
Zelensky oo si cad uga hor yimid baaqa Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ah in uu ka tanaasulo qayb kamid ah dhulkiisa si Ruushka looga soo qaado gobollo kale ayaa u dad badsaday isaga oo madaxda ugu sarreysa Yurub kala hadlay walaaca uu qabo.
Ugu dambeyn waxa uu ogolaaday la kulanka Madaxweynaha Ruushka si wadahadalkaan uu gogol-xaar ugu noqday wadaxaajood kale oo lagu soo afjaro colaadda si jirta iyada oo laga billaabayo xabbad-joojin sida wararku sheegayaan.
Suxufiyiin ku sugan Aqalka Cad Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Ukraine uu muujiyay bisayl siyaasadeed oo lagu dhowrayo dedaallada uu wado dhiiggiisa Donald Trump si looga mira-dhaliyo wadahadalkii uu la yeeshay Vladimir Putin.
Ingiriiska, Maraykanka, Jarmalka, Faransiiska iyo Dalal badan oo Yurub ah ayaa Ukraine ku dhinac istaagay sidii ay isaga caabbin lahayd Ruushka oo weerar ku qaaday, inkasta oo kahor inta uusan dagaalka billaabin ay u ballanqaadeen in ay la galayaan.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…