WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Yoweri Musaveni oo qiray in ciidankiisa ay dad shacab ah ku ‘laayeen’ guddaha Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Musaveni ayaa qirtay in askartiisa ku sugan Soomaaliya ay dad shacab ah gobolka Shabeellaha Hoose ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Musavani ayaa sheegay in ciidamadu ay dilka geysteen xili ay careysnaayeen, isagoona intaasi ku daray in la xiray askartii dilka geysatay, islamarkaana dacwad lagu soo oogi doono sida uu hadalka u dhigay.

“Dhawaan waxaa na soo gaaray kiis la xirriira dil Soomaaliya ka dhacay, koox ka mid ah askarteena ayaa dad laayay, dhamaan xubnihii falkaas ka dambeeyay waa la xiray dacwad ayaana lagu soo oogay,” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.

“Qofna yuusan ku labisan dharka ciidamada qalabka sida isaga oo aan ixtiraamin dadka, Lama oggola inaad garaacdo qof … xitaa dambiilayaasha,” ayuu ku celceliyay.

“Dhammaan khaladaadkaan ku jira hawlgallada ciidamada amniga waxaa sabab u ah anshax –xumo” ayuu hadlkiisa raaciyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in magdhow ay siin doonaan ehelada dadkii ay ciidamada dalkiisu ku dileen Shabeellaha Hoose.

Toddobaad ka hor ayey aheyd markii ay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalka Uganda ay dad shacab ahaa ku rasaaseeyeen qeybo ka mid ah gobolkaas, kadib markii qarax miino lagula eegtay agagaarka Shalanbood.

Ciidanka Uganda ayaa galay beer ay ku sugnaayeen 4 shaqaale ah iyo ninkii iska lahaa, sidoo kalena ay waxay wadada ka qabteen labo darawal, kuwaasi oo hal goob isugu geeyeen, ayna rasaas ku laayeen, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha deegaanka Shalanbood.

MM Staff

Recent Posts

Soomaaliya oo taageertay midnimada Yemen iyo amniga marin-biyoodka Gacanka Cadmeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay taageeradeeda ku aaddan midnimada, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Yemen,…

9 hours ago

Wasiir Bashiir Goobe oo ku baaqay in Soomaaliya ka gudubto deeqaha Caalamiga ah

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa sheegay in ay ku…

11 hours ago

Khilaafaadka Siyaasadeed ee ka jira HirShabeelle, dib ma u dhigi karaan doorashada bishaan?

Deegaannada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle waxaa ka jira khilaafaad siyaasadeed oo salkiisu yahay awood qaybsiga cidda noqonaysa…

12 hours ago

Scotland, Wales & North Ireland oo Madaxbannaani ka qaadanaya Ingiriiska

Hoggaamiyeyaasha Scotland, Wales North Ireland ayaa berri oo isniin ah saxiixaya heshiis ay uga madaxbannaanayaan…

14 hours ago

Jabuuti oo qaabishay Qaxooti kasoo cararay Colaadda Yemen

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa 24 saac gudahood ku qaabishay Qaxooti u dhashay Yemen oo tiradoodu gaarayso…

15 hours ago

Canada oo Xoogga saaraysa in ay Yurub la wadaagto xiriir ka madaxbannaan Maraykanka

Dowladda Canada ayaa doonaysa in ay dalalka Yurub la samaysato xiriir ka madaxbannaan Maraykanka maadaama…

16 hours ago