Xuseen Qayaad Gadiid oo kamid ah Odoyaasha Deegaanka Maaiso ee Gobolka Sitti Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in abaarta ka jirta Deegaannadooda ay u dheertahay xaaladda caafimaad sida Shuban Biyood ka dilaacay Degmooyinka qaar.
Qayaad oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Geella uu u baqtinayo Abaarta dhulka, halka dadka deegaanka uu ku dhacay isbadal dhanka Caloosha oo qaarkood ay la jiifaan Shuban Biyood sida uu hadalka u dhigay.
“Dadku waa xoolo dhaqato, Geella oo ugu adkeysi dambeeyay ayaa baqtinaya, Ariga & Lo’da horay ayay u dhammaadeen, waxaana deegaanka ka dilaacay Shuban Biyood oo qofka marka uu fuuq-baxo kadib dhimanaya, carruurta, Haweenka uurka leh & waayeelka ayaa ugu daran” ayuu yiri Xuseen Qayaad.
Xuseen ayaa tilmaamay in markii hore colaadda Canfarta saameyn taban ku reebtay Deegaannada Soomaalida kadib markii dilal la xiriira aanooyinka labada Qowmiyadood uu ku dhacay Xadka ay wadaagaan.
Colaadda u dhaxeysa Soomaalida Canfarta ayaa sababtay in labada dhinac ay isu gudbi waayaan, dhibaatooyinka ka dhaca deegaannada halkii ay isaga hayaami lahaayeen waxa ay ka door-bidayaan in ay Dhulkooda joogaan sabab la xiriirta beegsi ay ka baqayaan in lagu sameeyo.
Dowladda Fededaalka Itoobiya ayaa ku mashquulsan Dagaalka Gobolka Dhaca Waqooyiga ee Tigray kadib markii Bishii November 2020 dagaal uu dhexmaray Ciidanka Federaalka oo garabsanaya dalka Eretareeya ee ka go’ay 30-sano kahor & xooggaga TPLF.
Mustaqbal
Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka HirShabeelle, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa sheegay in Dowladda Federaalka iyo Maamulkiisa…
Dowladda Ingiriiska ayaa Muwaadiniinteeda uga digtay in ay tagaan deegaannada dhaca Xadka Soomaaliya iyo Kenya…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababaraysa Ciidamo cusub oo lagu biirinaya Kuwa Xoogga Dalka kuwaas oo…
Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka taagan xiisad u dhaxaysa Hoggaamiye ku xigeenka…
Taliayha Ciidanka Darawiishta Qeybta Gobolka Shabellaha Hoose, Gaashaanle Cabdiweli Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa askarta ku…
Garsoorka Maxkamadda Sare ee dalka ayaa lagu eedeeyay in ay ka horyimaadeen danaha Qaranka, isla…