GUDAHA/wararka

Xulka Qaranka Iiraan oo helay Fiisaha Maraykanka si uu uga qaybgalo Koobka Adduunka 2026

Dowladda Maraykanka ayaa Dal ku galkeeda siisay Xulka Qaranka Iiraan oo isugu jira Ciyaartoy, Macallin, Caawiyeyaal, Dhaqaatiir iyo mas’uuliyiin Isboortis kuwaas oo ka qaybgalaya Koobka Adduunka 2026 oo furmaya 11ka Bishaan June.

Xulka Qaranka Iiraan oo ku jira Guruubka ‘G’ waxa uu qaanad kula jiraa Xulalka Belgium, Egypt & New Zeland, kulankooda ugu horreeya waxa ay 16ka Bishaan la ciyaari doonaan New Zealand, kulankaas oo ka dhacaya Los Angeles Stadium.

Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan oo muddo soo jiitamaysa ayaa mad-madow mar gelisay in Xulka Iiraan ay waqti helaan Dal ku galka Dalkaasi oo sannaadkaan kamid ah martigeliyaasha Koobka Adduunka 2026.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa wax ka baddelay go’aamo adkaa sida uu Fiiso siiyo Dad ku casuuman Koobka Adduunka balse Dalalkooda ku jira Liiska waddamada horay looga mamnuucay in ay tagaan ama u safraan Maraykanka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Shiinaha oo sheegay inuu garab taagan yahay ilaalinta Midnimada iyo Madaxbannaanid Soomaaliya

Shiinaha ayaa mar kale muujiyay taageerada uu u hayo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed…

11 hours ago

BFS oo joojiyay lacagihii Xildhibaannada looga jari jiray aaska Xildhibaanka dhinta

Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa joojiyay lacag dhan $100 oo Xildhibaannada looga jari…

15 hours ago

Turkiga oo 2027 Soomaaliya ka diraya Dayax gacmeed

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa in sannadka soo socda 2027 ay Soomaaliya ka dirto Dayax gacmeed…

16 hours ago

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida oo sii daayay Markab u afduubnaa

Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ayaa sii daayay Markab u afduubnaa sida ay ku warrameen ilo…

17 hours ago

Waa kuma Danjiraha Cusub ee Turkiga ee xilka kala wareegaya Alper Aktaş?

Alper Aktaş oo ahaa Danjirihii Turkiga ee Soomaaliya 2024 ilaa 2026 ayaa laga sagootiyay Magaalada…

17 hours ago

Golaha Ammaanka oo kordhiyay Cunaqabaynta hubka ee saaran Gobolka Daarfuur

15ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay qaraar lagu waqti dheereynayo…

18 hours ago