Xisbiga Mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray is hor istaaggii lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaana uu dalbaday in baaris madax-bannaan lagu sameeyo maadaama lagu xadgudbay maamuuskiisa.
Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay arrintu qabiil ahayn ama ay kawada hadlayaan reeraha ay ka kala dhasheen Muuse Biixi iyo Madaxweynaha Talada haya ee Cabdiraxmaan Cirro balse loo baahan yahay in ay kawada xaajoodaan labada Xisbi.
Kaahin ayaa ka digay in arrintaan ay dhaliso buuq siyaasadeed loona baahan yahay in xeerka iyo dimaanka Somaliland lagu saleeyo oo lala xisaabtamo cidda iska leh mas’uuliyadda waxa ku dhacay Muuse Biixi Cabdi.
“Xukuumadda wixii dhacay iyada oo sugan haka hadasho, kuma qancin jawaabta laga bixiyay arrinta lagula kacay Madaxweyne hore Muuse Biixi Cabdi, ma doonayno rabshado, arrintaan ma ahan mid ay kawada hadlayaan qabiillo ama reero ee waa mid u taalla labada Xisbi” Ayuu yiri, Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa qaadday tallaabooyin ay ku xirtay saraakiil katirsan ciidamada Booliiska ee ka shaqeeya Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargaysa, balse Kulmiye ayaa sheegay in uusan ku qancin tallaabadaas.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…
Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…
Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…