GUDAHA/wararka

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxaysa Maamulka Cirro & Xisbiyada Mucaaradka oo cirka isku shareertay

Xiisadda Siyaasadeed ee u dhaxaysa Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro iyo labada Xisbi ee kala ah Kulmiye & KAAH ayaa sii xooggaysatay kaddib markii Maamulka Xukunka haya ee Cirro uu isku dayay in uu farageliyo Xisbiyadaas.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan, Xubno katirsan Xisbiga Talada haya ee Waddani ayaa qaaday tallaabooyin ay ku muujinayaan faafinta macluumaad la xiriira in uu khilaaf soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in KAAH qudhiisa uu isku qabtay arrimo la xiriira tallaabooyinka ay qaadeen xubno katirsan Urur siyaasadeedkaas oo culays ku noqday Maamulka Cabdiraxmaan Cirro sida ay ku warrameen ilaha kala duwan.

Kulmiye iyo KAAH ayaa beeniyay in uu khilaaf dhexdooda uu ka dhex jiro Xisbi weliba, waxa ay arrintaasi ku tilmaameen mid uu culayska isaga qaadayo Cabdiraxmaan Cirro mar haddii ay bannaanka soo dhigeen waxyaabo badan uu qarinayo sida iskaashiga Israa’iil.

Cirro oo ku guul daraystay in uu qabto Doorasho waqtigeeda ku dhacda ayaa doonaya in uu kala furfuro Xisbiyada kasoo horjeeda si uu waqti dheeraad ah ugu helo sii haynta Xukunka ugana yaraado culayska siyaasadeed ee xiligaan saaran.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

7 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

10 hours ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

12 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

15 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

17 hours ago