Wasaaradda Caafimaadka ee Taiwan ayaa ku dhawaaqday in la xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Kaduudiyaha laga helay qof safar dhawaan ku tegay dalka Shiinaha, halkaas oo uu ka dillaacay fayraska.
Cudurkan oo ay gudbiso kaneecada, ayaa si xowli ah ugu faafay koonfurta Shiinaha, gaar ahaan magaalada Foshan ee ku taalla dooxada webiga Pearl.
Wararka laga helayo hay’adaha caafimaadka ayaa muujinaya in tirada dadka cudurka laga helay ay hadda kor u dhaaftay 8,000 oo qof.
Tani waxay ka dhigeysaa dillaacii ugu weynaa ee abid laga diiwaangeliyo gobolkaas, sida uu sheegay Dr. Roger Hewson oo ah khabiir ka tirsan Machadka Wellcome Sanger ee UK.
Qofka cudurka laga helay ee ku sugan Taiwan ayaa la sheegay inuu ku laabtay dalka dhowaan, isagoo kasoo noqday safar ku tagay Shiinaha.
Dowladda Taiwan ayaa sheegtay in bukaanka la karantiilay, laguna bilaabay baaritaanno dheeraad ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
Kaduudiyaha waa cudur fayras ah oo sababa qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, iyo xanuun daran oo kala goysyada ah. Inkastoo uu aad u daal badan yahay, ma aha cudur halis u ah nolosha, balse wuxuu saameyn karaa qofka muddo dheer.
Hay’adaha caafimaadka ee Taiwan iyo kuwa caalamiga ah ayaa ku baaqaya in la dardar-geliyo tallaabooyinka ka hortagga, gaar ahaan la dagaalanka kaneecada iyo wacyigelinta bulshada ku nool meelaha ay khatartu ka jirto.
Cudurka Kaduuduyaha oo muddo dheer ka hor laga diiwaan geliyay wadamada kuleylaha ah ee Afrika iyo Aasiya, ayaa hadda soo laba kacleeyay.
Qaramada Midoobay iyo WHO ayaa horay uga digay in isbeddelka cimiladu uu sare u qaadi karo fursadda cudurrada kaneecada lagu kala qaado inay gaaraan dalal horay uga nabadgalay.
Goobaha xanuunka Kaduudiyaha lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, iyadoo dad badan uu saameeyay.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…