GUDAHA/wararka

William Ruto “Xalka Colaadda Suudaan waa in ay wada hadlaan Dowladda & RSF”

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Qaramada Midoobay kahor sheegay in xalka nabadeed ee lagu soo afjari karo colaadda Suudaan lagu gaari karo wadahadal dhexmara Dowladda iyo Kooxda Gurmadka Degga ah ee RSF.

Waxa uu waxyaabo aan socon Karin ku tilmaamay faragelinta Dalalka shisheeye ay ku hayaan Suudaan, waxaana uu soo jeediyay in miiska wadahadalka la isugu geeyo labada dhinac isla markaana si iskood ah uwada hadlaan.

William Ruto ayaa carrabka ku dhuftay dalal badan oo si toos ah iyo si dadban u faragelinaya arrinta Suudaan sidaas awgeed waxa uu usoo jeediyay in ay dhowraan nidaamka dalkaas, doorka ay ka qaadan karaan waan-waantana noqoto mid la wada arki karo.

“Xalka Colaadda Suudaan lagu soo afjari karo waa wadahadal dhexmara Dowladda iyo RSF, Isku day weliba oo lagu kala qaybinayo ama lagu faragelinayo waa xaalad kale oo sii adkaynaysa midnimada iyo wadajirka” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Xaaladda Suudaan waxaa faragelin ku haya dowladdo ay kamid tahay Isutagga Imaaraatka Carabta oo garabsiinaysa Kooxda RSF oo dhul baaxad weyn dhowaan laga qabsaday, weli waxa ay kooxdu joogtaa dhul istaraatiiji ah.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago